Masar iyo Pakistan oo Soo Gabagabeeyay Dhoolatus Milatari oo Wadajir ah

0

Islamabad – Ciidamada qalabka sida ee Egypt iyo Pakistan ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay dhoolatus milatari oo wadajir ah, kaas oo diiradda lagu saarayay la dagaallanka argagixisada iyo ka hortagga khataraha casriga ah ee aan caadiga ahayn.

 

Dhoolatuskan oo socday dhowr maalmood ayaa lagu qabtay xarumo gaar ah oo lagu tababaro ciidamada gaarka ah ee Pakistan, iyadoo ay ka qeyb qaadanayeen cutubyo ka tirsan ciidamada Masar iyo ciidamada gaarka ah ee Pakistan.

Bayaan ay soo saareen ciidamada Masar ayaa lagu sheegay in wejigii ugu dambeeyay ee layligan lagu soo bandhigay hawlgallo isku dhafan oo si gaar ah loogu tababarayo ka hortagga argagixisada iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee khataraha cusub.

Masar ayaa tilmaantay in dhoolatuskani uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga milatari ee labada dal, isla markaana lagu kordhinayo diyaargarowga dagaalka ee ciidamada.

Tababarka ayaa isugu jiray casharro aragtiyeed iyo hawlgallo toos ah, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa:

Midaynta istaraatiijiyadda hawlgalka, Is dhaafsiga khibradaha military iyo Xoojinta awoodda dagaal ee ciidamada

Saraakiil sare oo ka kala socday labada dal ayaa goob joog ka ahaa wajiga ugu dambeeyay ee layliga, taas oo muujinaysa muhiimadda uu leeyahay iskaashigan.

Dhoolatuskan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo ay Egypt ku xoojinayso xiriirka milatari ee ay la leedahay waddamada saaxiibada ah, iyadoo la sii ambaqaadayo wareegyo hore oo la qabtay, oo uu ku jiro midkii lagu qabtay Masar sanadkii 2024.

Tallaabadan ayaa ka tarjumaysa sida ay labada dal uga go’an tahay inay si wadajir ah uga hortagaan caqabadaha amni ee isa soo taraya, gaar ahaan kuwa la xiriira argagixisada iyo khataraha cusub ee caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here