Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay CIVIC si loo xoojiyo ilaalinta rayidka xilliyada hawlgallada ciidan

0

MUQDISHO — Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku saxiixay heshiis is-afgarad oo lala galay Xarunta Ilaalinta Rayidka ee Xilliyada Colaadaha (CIVIC), kaas oo lagu xoojinayo badqabka rayidka inta lagu jiro hawlgallada ciidan iyo colaadaha hubeysan.

 

Heshiiska ayaa la saxiixay kaddib kulan dhexmaray Wasiirka iyo wafdi heer sare ah oo ka socday CIVIC oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Afrika ee hay’adda, Vianney Bisimwa.

Qodobada heshiiska ayaa diiradda saaraya yareynta waxyeellada rayidka inta lagu jiro hawlgallada amniga, xoojinta ilaalinta dadka aan dagaalka ku jirin, iyo horumarinta hab-raacyo ciidan oo waafaqsan xeerarka dalka iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in heshiiskani uu taageerayo hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bedqabka Rayidka xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubeysan, taas oo Soomaaliya ka dhigaysa dalkii ugu horreeyay Afrika ee dhaqan-geliya siyaasad noocan ah.

Heshiiska ayaa sidoo kale xoojinaya tababarka, wacyigelinta iyo awood-dhiska Ciidamada Qalabka Sida si loo xaqiijiyo in hawlgallada loo fuliyo si waafaqsan sharciga, xirfad sare, taxaddar iyo isla-xisaabtan.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta bedqabka rayidka, isagoo xusay in siyaasaddan ay ka tarjumayso sida ay dowladda uga go’an tahay in dhammaan hawlgallada amniga lagu hago ilaalinta nolosha, karaamada, xuquuqda iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

“Wasaaraddu waxaa ka go’an xoojinta ilaalinta rayidka, kor u qaadista kormeerka iyo isla-xisaabtanka hawlgallada ciidan, iyo la-shaqeynta hay’adaha qaranka, bulshada rayidka iyo saaxiibbada caalamka,” ayuu yiri.

Munaasabadda saxiixa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Yuusuf Cali Maxamed, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha CIVIC ee Soomaaliya Axmed Ibrahim, Danjire Maman Sambo Sidikou, Sarreeye Guuto Bashir Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here