Khatarta Burcad-badeedda oo Korortay Xeebaha Soomaaliya kadib Markab Kale oo La Afduubtay

0

MUQDISHO – Hay’adaha la socda amniga badaha ayaa ka digay koror ku yimid khatarta burcad-badeedda ee ka jirta xeebaha Soomaaliya, kadib markii markab xamuul ah noqday kii ugu dambeeyay ee lagu qabsado falal loo maleynayo burcad-badeednimo.

 

Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa sare u qaaday heerka khatarta ee maraakiibta maraysa aaggaas, iyadoo sheegtay in “dad aan loo oggolayn” ay la wareegeen markabka isla markaana ay u jiheeyeen gudaha biyaha Soomaaliya maalintii Axadda.

UKMTO ayaa sheegtay in afduubkan uu ka dhacay meel qiyaastii lix mayl-badeed u jirta degmada Garacad ee gobolka Mudug, inkastoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin markabka la qabsaday.

Toddobaadkii la soo dhaafay ugu yaraan afar markab ayaa lala beegsaday falal la xiriira burcad-badeednimo, kuwaas oo ay ku jiraan doon kalluumeysi, markab shidaal sida iyo markab xamuul.

Hay’addu waxay sheegtay in xaaladda cimiladu ay fududeyneyso dhaqdhaqaaqa doomaha yaryar ee ay adeegsadaan kooxaha burcad-badeedda, taasoo sare u qaadday halista weerarrada.

“Sababo la xiriira khatarta sii kordheysa ee kooxaha burcad-badeedda, maraakiibta waxaa lagula talinayaa inay si taxaddar leh u maraan aagga,” ayay UKMTO ku tiri bayaan ay soo saartay.

Sidoo kale, UKMTO waxay digniin ka bixisay afduub kale oo ka dhacay xeebaha Mareero ee waqooyiga Soomaaliya 21-kii Abriil.

22-kii Abriil, burcad-badeed ayaa sidoo kale qabsatay markabka shidaalka qaada ee Honour 25 oo ay saarnaayeen 17 shaqaale ah, sida ay BBC u sheegeen saraakiil dhinaca ammaanka ah.

Markabkaas oo ay saarnaayeen 10 u dhashay Pakistan, afar Indonesian ah, hal Hindi ah, hal Sri Lankan ah iyo hal qof oo u dhashay Myanmar, ayaa lagu xanibay meel u dhow xeebta Soomaaliya, inta u dhexeysa magaalooyinka kalluumeysiga ee Xaafuun iyo Bander Beyla.

UKMTO ayaa sidoo kale sheegtay in doon kalluumeysi oo sita calanka Soomaaliya la qabsaday Khamiistii, halka laba nin oo hubeysan ay isku dayeen inay fuulaan markab xamuul ah, balse ay dib uga laabteen kadib markii shaqaalihii markabka ay rideen rasaas digniin ah.

Intii u dhexeysay 2005 ilaa 2012, burcad-badeedda ka howlgalaysay Geeska Afrika ayaa lagu qiyaasay inay heleen lacag madax-furasho ah oo u dhaxeysay $339 milyan ilaa $413 milyan, sida uu qiyaasay Bangiga Adduunka.

Burcad-badeednimada oo si weyn hoos ugu dhacday saddexdii sano ee la soo dhaafay ayaa hadda mar kale dib ugu soo laba kacleysay xeebaha Soomaaliya, taasoo walaac cusub gelisay ganacsiga badda iyo maraakiibta caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here