Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casho sharaf ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed oo isaga yimid guud ahaan dalka.
Madaxweynaha ayaa odayaasha dhaqanka ku bogaadiyey doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaataan nabadeynta, dib-u-heshiisiinta, dowlad-dhiska iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la wadaagay hoggaanka dhaqanka guulaha ay dowladdu ka gaartay dhinacyada amniga, dimuqraadiyeynta, dowlad-dhiska iyo daadejinta maamulka.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyay in aan marnaba laga tanaasuli karin xaqa ay shacabka Soomaaliyeed u leeyihiin in ay doortaan hoggaamiyeyaashooda, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.
Kulankan ayaa imanaya xilli hoggaanka sare ee mucaaradka ay dhawaan ku baaqeen in odayaasha dhaqanka ay door muuqda ka qaataan xalinta khilaafka siyaasadeed iyo muranka ka taagan arrimaha muddada xilka dowladda, iyadoo ay ka harsan yihiin maalmo kooban.




