Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay wafdi ka socday UNTMIS

0

Muqdisho – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta qaabilay wafdi sare oo ka socday Hawlgalka Kala-guurka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), kaas oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Madaxa Hawlgalka, Mudane Raisedon Zenenga.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan taageerada hay’adaha dowladda iyo dardargelinta horumarka dalka.

Wasiiru-dowlaha ayaa wafdiga u sheegay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay dhismaha iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah, si loo gaaro nabad waarta, xasillooni siyaasadeed iyo horumar dhaqaale.

Dhankooda, wafdiga UNTMIS ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in taageerada caalamiga ah ay la jaanqaaddo mudnaanta qaran.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo wadashaqeynta joogtada ah, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo xasillooni guud oo dalka ka hanaqaadda.May be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here