Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Danjiraha Shiinaha

0

Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada qalabaynta xabsiyada, horumarinta isgaarsiinta, iyo tababaridda saraakiisha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay taageerada agoonta ku jirta xarunta degmada Afgooye, taas oo ay gacanta ku hayaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah ee la xiriira nidaamka cadaaladda iyo dib-u-habaynta xabsiyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here