Muqdisho – Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa xarunta lagu soo dhoweeyo muwaadiniinta dib ugu soo laabanaya dalka ku martigelisay wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub, IOM iyo hay’adda GIZ, kuwaas oo booqasho shaqo ku yimid xarunta.
Wafdiga ayaa kormeer rasmi ah ku sameeyay adeegyada kala duwan ee ay xaruntu bixiso, iyagoo si gaar ah u qiimeeyay hababka iyo barnaamijyada lagu taageero muwaadiniinta dib ugu soo laabanaya dalkooda.
Intii ay booqashadu socotay, wafdigu wuxuu warbixin faahfaahsan ka dhageystay maamulka xarunta, taas oo ku saabsaneyd adeegyada dib-u-dejinta, guulaha la gaaray, iyo caqabadaha weli jira.
Sidoo kale, wafdiga iyo maamulka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa yeeshay kulan miro-dhal ah oo wada-tashi ah, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, horumarinta adeegyada dib-u-dejinta, iyo abuurista fursado waara oo lagu taageerayo dadka dib ugu soo laabanaya dalka.
Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee lagu horumarinayo dib-u-dejinta iyo taageerada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanaya dalkooda.



