Russia oo sheegtay in la fashiliyay isku day afgambi oo ka dhacay Mali

0

Moscow – Wasaaradda Difaaca ee Russia ayaa ku dhawaaqday in cutubyo ka tirsan ciidamadeeda ka hawlgala Mali ay fashiliyeen isku day afgambi oo dhacay 25-kii Abriil 2026.

 

Bayaan rasmi ah oo ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu sheegay in kooxo hubeysan oo sharci darro ah ay isku dayeen inay afgambi ku qabsadaan talada dalka, balse ciidamada ayaa si degdeg ah uga falceliyay, iyagoo la galay dagaallo culus oo sababay “khasaare aan laga soo kaban karin” oo soo gaaray kooxihii weerarka soo qaaday.

Wasaaradda Difaaca ee Russia ayaa sheegtay in howlgalkaasi uu si toos ah u joojiyay isku daygii afgambiga, isla markaana lagu badbaadiyay nidaamka dowladeed iyo nolosha dad rayid ah.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan weerarada ay fuliyaan kooxaha hubeysan ee ka dagaalama Mali, oo ay ka mid yihiin kuwa xiriirka la leh Al-Qaeda.

Dhanka kale, dowladda ku meel gaarka ah ee Mali ayaa xaqiijisay geerida wasiirkii gaashaandhigga dalka, Sadio Camara, kaas oo lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Kati.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagu qaaday hoyga wasiirka, halkaas oo qof naftii hure ah uu ku qarxiyay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay. Inkasta oo wasiirku uu iska caabiyay weerarka, haddana wuxuu u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray kaddib markii isbitaal la geeyay.

Dhacdooyinkan isbiirsaday ayaa muujinaya xaaladda amni ee sii cakirmaysa ee Mali, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu xasiliyo dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here