Laascaanood – Guddi uu hoggaaminayo Taliye-ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabaas Aamiin Cali, ayaa kormeer ku tagay degmooyin iyo deegaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.
Guddiga, oo ay ka mid yihiin Madaxa Hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil kale, ayaa kormeerkan u sameeyay qiimeynta xaaladda goobaha iyo diyaar-garowga dib-u-hawlgelinta Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Qorshaha dib-u-hawlgelinta Qaybta 26-aad ayaa dhigaya in taliska qaybta laga dhigo magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.
Intii uu socday kormeerka, guddigu wuxuu booqday goobo kala duwan oo ka tirsan deegaannada Waqooyi Bari, iyagoo qiimeeyay xaaladda goobaha iyo baahiyaha la xiriira dib-u-hawlgelinta qaybta.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo qaab-dhismeedka iyo howlaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee deegaannada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.




