Soomaaliya iyo Jordan oo Xoojinaya Iskaashiga Dibloomaasiyadeed iyo Amni

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa wada hadal dhanka telefoonka ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Jordan, Mudane Ayman Safadi.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xaaladaha gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida, iyagoo sidoo kale dib u eegay xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jordan.

Waxa ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay ballaarinta iskaashiga dhinacyada la dagaallanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga.

Labada dhinac ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wadahadal joogto ah iyo iskaashi dhow si loo horumariyo wada shaqeyn wax ku ool ah oo ku saabsan qeybaha mudnaanta leh.

Waxa kale oo ay xuseen baahida loo qabo in si wadajir ah looga hortago caqabadaha saameeya xasilloonida gobolka iyo kobaca dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here