Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

0

Muqdisho – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya saaxiibbada caalamka ayaa 72-dii saac ee la soo dhaafay fuliyay hawlgal qorshaysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasi uu isugu jiray dagaal toos ah iyo duqeyn, isla markaana uu ka dhacay deegaanka Buulo Cabdalla oo u dhexeeya deegaanada Mubaarak iyo Ugunji.

Intii uu socday hawlgalka, waxaa lagu dilay 22 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, oo uu ku jiray horjooge lagu magacaabo Cabdiraxmaan Jeeri, kaas oo la sheegay inuu caan ku ahaa dhibaateynta dadka rayidka ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa caddeeyay inay sii xoojin doonaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo tirtiro haraadiga kooxdaas loona xaqiijiyo amniga guud ee dalka.

Dhanka kale, Wasaaradda ayaa uga mahadcelisay saaxiibbada caalamka taageerada ay siiyaan dadaallada lagu doonayo nabad iyo xasillooni ka hanaqaadda Soomaaliya.May be an illustration of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here