Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta TUBSAN.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada lagu wajahayo ka hortagga fikirrada xagjirka ah iyo dardargelinta wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, si looga ilaaliyo marin-habaabinta kooxaha argagixisada.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay in xukuumadda ay guulo la taaban karo ka gaartay dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta barnaamijyada wacyigelinta bulshada.
“Dowladdu waxa ay ka go’an tahay sugidda amniga iyo dhismaha jiil ka madaxbannaan fikirrada xagjirka ah,” ayuu yiri Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Madasha ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday beesha caalamka iyo hay’adaha daneeya arrimaha ka hortagga xagjirnimada, kuwaas oo bogaadiyay dadaallada ay dowladdu ku xoojinayso nabadda iyo xasilloonida dalka.




