Muqdisho – Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday inay ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan howlgalka taageerada iyo xasilinta ee Midowga Afrika ee AUSSOM.
Taliska Uganda ayaa sheegay in cutubkan cusub, oo loo yaqaan Battle Group XLVII (BG 47), si rasmi ah loo diyaariyey kaddib markii ay soo dhammeysteen tababarro adag oo ay ku qaateen xarunta Singo ee degmada Nakaseke.
Brig. Gen. Fred Mwesigye, oo wakiil ka ahaa Taliyaha Ciidamada Difaaca Gen. Muhoozi Kainerugaba, ayaa ciidamada kula dardaarmay inay muujiyaan anshax, xirfad iyo wada-shaqeyn inta ay ku guda jiraan howlgalka.
“Waxaad u socotaan hawl, ma aha madadaalo. Diiradda saara waajibaadkiinna oo raaca hagidda taliyayaashiinna,” ayuu yiri, isaga oo uga digay fal kasta oo wax u dhimi kara sumcadda ciidanka.
Saraakiisha hoggaaminaysa cutubkan, oo ay ka mid yihiin Col. Muuse Nabaas iyo Col. Wilson Barigye, ayaa sheegay in ciidamadu ay gaareen heer sare oo diyaar garow ah, isla markaana ay diyaar u yihiin fulinta waajibaadkooda nabad-ilaalineed.
Ciidamada Uganda ayaa la shaqeyn doona cutubyo kale oo hoos yimaada AUSSOM, kaas oo beddelay howlgalka AMISOM. Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee ciidamo u soo dira Soomaaliya sanadkii 2007, waxayna weli door muhiim ah ka qaadataa dadaallada nabadeynta.
Inta badan ciidamada UPDF ayaa ka howlgala magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ka ilaaliyaan xarumaha muhiimka ah sida garoonka diyaaradaha, xarumaha dowladda iyo magaalooyinka waaweyn.
Soo dirista ciidamadan cusub ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah xoojinayaan dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida dalka, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha hubeysan.



