Baydhabo – Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shir muhiim ah oo uu guddoomiyay Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha guud ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo si qoto dheer looga dooday arrimaha amniga, horumarinta mashaariicda iyo adeegyada bulshada.
Golaha Wasiirrada ayaa si rasmi ah u ansixiyay laba siyaasad oo muhiim u ah horumarka gobolka, kuwaas oo kala ah Siyaasadda Guriyeynta iyo Siyaasadda Fasaxa Dhismaha, kuwaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Howlaha Guud.
Labadan siyaasad ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo qorsheynta magaalooyinka, kor loogu qaado tayada dhismayaasha, isla markaana la habeeyo nidaamka bixinta oggolaanshaha dhismaha.
Golaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay hirgelinta siyaasadaha la ansixiyay, si loo dardargeliyo horumarka, loona hagaajiyo bilicda magaalooyinka ku yaalla Soomaaliya.




