Muqdisho – waxaa degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir saakay ka dhacay iska hor imaad kooban oo salka ku hayay arrimo la xiriira fulinta qorshe dowladeed ee barakicinta dhulalka ay sheeganeyso.
Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay ka howlgalayeen xaafad lagu magacaabo “Waa Yaabee”, halkaas oo ay ka socotay barakicin la xiriirta qorshe dhul dadka shacabka laga saarayo.
xaalad ayaa gaartay mid gacan ka hadal ah ka dib markii ciidamada booliska iyo saraakiil ka tirsan isla booliska oodegenaa goobta ay burburinta ka socotay, taasoo keentay rasaas la is weydaarsaday labada dhinac.
Inta la xaqiijiyay, iska hor imaadka ayaa sababay dhimashada saddex qof oo rayid ah, kuwaas oo la sheegay in ay ahaayeen aabe waayeel ah, hooyo iyo gabadheeda ay goobta ku naf waayeen.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta ugu dareen hadlay ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dhacdada, iyagoo ku baaqay in doelada ay joogiso barakicinta shacabka ismarkaana waxii u dhacayna ay dowlada mas’uuliyaddeeda qaadaneyso.



