LONDON – Booliska Ingiriiska ayaa shaaciyay magaca nin loo qabtay inuu fuliyay weerar mindi oo lagu dhaawacay laba nin oo Yuhuud ah kaasoo ka dhacay Arbacadii lasoo dhaafay xaafadda Golders Green ee waqooyiga London.
Ninka ayaa lagu magacaabaa Essa Suleiman, oo 45 jir ah, kaasoo asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya islamarkaana muwaadin Britain ah. Boolisku waxay sheegeen in weerar loo arko mid argagixiso oo la damacsanaa in dadka Yahuuda ah lagu dilo.
Saraakiishu waxay sheegeen in Essa Suleiman uu horey u galay liiska argagixisada sanadkii 2020, isla markaana uu leeyahay taariikh la xiriirta rabshado iyo xanuuno dhanka maskaxda ah. Booliska ayaa goobta uu dadka ku dhaawacay ku qabtay, iyadoo uu soo gaarey dhaawac fudud markii iska-caabin sameeyay. Ninkan ayaa galay Ingiriiska isagoo yar 1990s, wuxuuna qaatay dhalashada dalkaas.
Labada nin ee la dhaawacay oo da’doodu kala tahay 76 iyo 34 jir ayaa la dhigay isbitaal, waxaana la sheegay in xaaladoodu ay tahay mid deggan.
Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa booqday Golders Green si uu ula kulmo ciidamada gurmadka iyo dadka deegaanka. Wuxuu si kulul u cambaareeyay falkan lagu beegsaday labada nin ee Yahuuda ah, isagoo balan-qaadey in dalkiisa noqon doonin meel lagu beegsado dadka laga badan yahay.
Dowladda Britain ayaa sheegtay inay kordhin doonto amniga bulshada Yuhuudda, isla markaana ay 25 milyan oo ginni ku bixin doonto roondooyin boolis oo dheeraad ah oo lagu ilaalinaya goobaha ay isagu yimaadaan Yahuuda. Sidoo kale waxay sheegtay in la dedejin doono sharciyo cusub oo lagula dagaallamo kooxaha khatarta ah.




