In ka badan 80 askari oo Congo ah oo maxkamad la soo taagay

0

Kinshasa – Maxkamad milatari oo ku taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa la soo taagay 84 askari oo lagu eedeeyay inay ka baxeen jiidda hore ee dagaalka ay  dowlada kula jireen fallaagada AFC/M23.

 

Sida ay sheegeen saraakiisha milatariga, askartan ayaa ka cararay dagaallo ka socday gobolka bari, halkaas oo ciidamada dowladda ay wajahayaan cadaadis xooggan oo uga imanaya jabhadda M23, oo muddooyinkii dambe qabsatay dhulal muhiim ah.

Wararka ayaa tilmaamaya in askartu ay jebiyeen amaradii taliska, isla markaana ay sameeyeen falal ay ka mid yihiin rasaas ay si aan kala sooc lahayn u rideen, arrintaas oo sii xoojisay eedeymaha ka dhanka ah.

Afhayeen milatari ayaa sheegay in dacwaddan ay fariin adag u dirayso ciidamada kale, isla markaana aysan jirin wax cudurdaar ah oo loo aqbali karo jebinta amarada militariga, xitaa marka ay jiraan duruufo adag sida dib u dhac ku yimaada gunnooyinka.

Maxkamadeynta ayaa la filayaa inay socoto laba toddobaad, iyadoo askartan lagu soo oogay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin ka baxsiga dagaalka iyo anshax-xumo ciidan.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli colaadda bariga Congo ay sii xoogeysaneyso, iyadoo jabhadda M23 lagu eedeeyay inay taageero ka hesho Rwanda, inkastoo Kigali ay marar badan beenisay arrintaas.

Dagaallada socda ayaa sababay barakac ballaaran iyo khasaaro naf iyo maalba leh, iyadoo kumannaan qof ay ku dhinteen colaadda, halka boqollaal kun oo kalena ay guryahooda ka barakaceen.

Sanadihii la soo dhaafay, maxkamado milatari oo Congo ah ayaa qaaday tallaabooyin adag oo ka dhan ah askarta lagu helo dambiyada la xiriira ka cararista dagaalka, taasoo muujineysa culayska sii kordhaya ee saaran ciidamada dowladda iyo xaaladda amni ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here