Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay xaaladaha adag ee ay wajahaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho, gaar ahaan arrimaha la xiriira barakicinta iyo duruufaha nololeed.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in shacabka ay la daalaa dhacayaan culaysyo is biirsaday, isagoo ku eedeeyay dowladda inay door ka qaadatay dhibaatooyinka sii kordhaya ee saameeyay dadka rayidka ah.
“Madaxweynow, dalkan iyo dadkan dhibka aad gaarsiin karto waad gaarsiisay, iimaanka Alle haku geliyo ee meel iska fadhiiso,” ayuu yiri Sheekh Shariif, isagoo si toos ah ula hadlay Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in barakicinta ka socota Muqdisho ay tahay mid sii kordheysa, isla markaana ay u baahan tahay in si degdeg ah wax looga qabto, si loo ilaaliyo xuquuqda iyo badbaadada shacabka nugul.
DAAWO.



