Kheyre oo ka hadlay dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo diiradda saaray dhammaadka muddo xileedka Madaxweynaha hadda talada haya.

 

Kheyre ayaa sheegay in muddo xileedka dowladda uu si rasmi ah u dhammaanayo 15-ka May, isla markaana haddii aan xal siyaasadeed oo mideysan laga gaarin xaaladda taagan, ay suuragal tahay in dalka galo marxalad adag oo qalafsan.

Waxa uu sheegay in 16-ka May, Xasan Sheekh Maxamuud uu noqonayaa madaxweynihii hore, dalkaana wuxuu geli doonaa xaalad adag,” ayuu yiri Kheyre, isagoo muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan jahawareer siyaasadeed iyo khilaafyo cusub oo ka dhalan kara.

DAAWO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here