Muqdisho – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u beenisay warar lagu faafiyay warbaahinta iyo baraha bulshada oo sheegaya in la eryay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. Wasaaraddu waxay muujisay walaac xooggan oo ku aaddan faafinta macluumaad aan sax ahayn oo lagu marin habaabinayo bulshada.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ugu baaqday hay’adaha warbaahinta iyo dadka isticmaala baraha bulshada inay ilaaliyaan xirfadda iyo mas’uuliyadda saxaafadeed, isla markaana ay ku tiirsanaadaan ilaha rasmiga ah marka ay baahinayaan wararka la xiriira arrimaha diblomaasiyadda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale ka digtay in faafinta wararka noocan ah ay dhaawici karto xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka kale, gaar ahaan waddamada Carabta.
Ugu dambeyn, Wasaaradda ayaa caddeysay in aysan jirin wax go’aan ah oo lagu eryay Safiirka Imaaraadka, islamarkaana xiriirka labada dal uu yahay mid caadi ah oo sii soconaya.



