Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya oo lagu sagootiyay Muqdisho

0

Muqdisho  – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf, oo booqasho sagootin ah ku yimid kadib dhammaadka muddadii uu ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya.

 

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Danjiraha doorkii uu ka qaatay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo sidoo kale ka shaqeynta iskaashiga labada dal ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo gobolka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku ammaanay dadaalka iyo shaqada uu safiirku ka muujiyay muddadii uu xilka hayay, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu gaaray heer wanaagsan oo iskaashi ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Danjiraha adeeggiisa, iyadoo u rajaysay guul iyo horumar mustaqbalka.May be an image of one or more people, newsroom and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here