Mucaaradka oo shuruudo ku xiray kulanka uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho  – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadleen casuumaadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan wadahadal la qorsheeyay in la qabto 10-ka May 2026.

 

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in mucaaradku ay si taxaddar iyo masuuliyad leh u soo dhoweynayaan fursadda wadahadalka, hase yeeshee ay ku xireen shuruudo ay ka mid yihiin in la joojiyo, ama dib loo eego, hannaanka doorashooyinka ka socda qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka.

Mucaaradku waxay sidoo kale ku adkeeyeen baahida loo qabo in wadahadallada la qorsheeyay ay noqdaan kuwo dhab ah oo lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo habraacyadooda.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in ujeeddada ugu weyn ee ay mucaaradku ka leeyihiin wadahadalka ay tahay in la helo hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay, laguna dhiso kalsooni siyaasadeed oo ballaaran.May be an illustration of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here