Soomaaliya iyo Qatar oo xoojinaya iskaashiga Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

0

MUQDISHO, 6 May 2026 – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed, Maryan Qasim, ayaa Arbacadii kulan la yeelatay danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr Cabdullaahi bin Saalim Al-Nucaymi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga xuquuqda aadanaha iyo horumarinta hay’adaha.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta wada-shaqeynta u dhexeysa guddiyada xuquuqda aadanaha ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada is-dhaafsiga khibradaha farsamo, dhisidda awoodaha, maamulka hay’adaha, warbixinnada xuquuqda aadanaha, kormeerka goobaha lagu hayo maxaabiista, iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha.

Maryan Qasim ayaa uga mahadcelisay Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, oo ay ku jirto doorkeeda firfircoon ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay iyo taageerada qaraarka A/HRC/60/L.14.

Labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda iskaashi dhow iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha xuquuqda aadanaha si loo horumariyo loona ilaaliyo xuquuqda aadanaha, iyadoo lagu saleynayo heerarka caalamiga ah iyo Mabaadii’da Paris.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here