Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga furayo Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka QM (OHCHR)

0

Geneva – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in markii ugu horreysay taariikhda dalka laga furo Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay (OHCHR), kaddib heshiis rasmi ah oo maanta lagu kala saxiixday magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

 

Heshiiska ayaa waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixday Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, halka dhinaca Qaramada Midoobay uu u saxiixay Madaxa Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka, Volker Türk.

Heshiiskan ayaa lagu hirgelinayaa qaraarkii Golaha Xuquuqul Insaanka QM ee lambarkiisu ahaa A/HRC/RES/60/28, kaas oo ku saabsanaa taageerada farsamo iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya looga baahan yahay si loo horumariyo xuquuqul insaanka iyo in dalka uu si hufan u gutto waajibaadkiisa qaran iyo kuwa caalami ah.

Furitaanka xafiiskan oo la filayo in dhowaan laga hirgeliyo magaalada Muqdisho ayaa loo arkaa guul taariikhi ah, maadaama ay noqoneyso markii ugu horreysay ee Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka fuliso heshiis noociisa ah.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in tallaabadan ay ka tarjumeyso dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo xuquuqul insaanka, isla markaana ay qeyb ka tahay horumarka ballaaran ee dalka ka sameeyay dhinaca dowlad-dhiska iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Wafdiga Soomaaliya ee ku sugan Geneva, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Bashiir Cumar, la-taliyeyaal iyo khubaro kale.

Guushan ayaa qeyb ka ah dadaallo la sheegay in ay socdeen sanad iyo bar ee la soo dhaafay, kuwaas oo lagu xoojinayay nidaamka xuquuqul insaanka, iyadoo ay xusid mudan tahay guulihii hore ee Soomaaliya ka gaartay shirarka xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay iyo dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee xuquuqul insaanka qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here