Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan doceed la yeeshay Wasiirka Difaaca dalka Suudaan, General Hassan Daoud Kabroun, intii lagu guda jiray Bandhigga Warshadaha Difaaca ee SAHA 2026 oo ka socda magaalada Istanbul.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo ku dhisan danaha wadaagga ah, isweydaarsiga khibradaha la-dagaallanka kooxaha ka soo horjeeda dowladnimada ee ka jira labada dal, iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Suudaan.
Wasiirrada ayaa adkeeyay muhiimadda wada shaqeynta gobolka iyo iskaashiga hay’adaha amniga si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida labada dal iyo guud ahaan gobolka.



