Xasan Cali Kheyre oo Cambaareeyay Xarigga Dhalinyaro iyo Suxufiyiin Loogu geystay Muqdisho

0

Muqdisho – Musharrax madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa si adag u cambaareeyay xarigga xalay magaalada Muqdisho loogu geystay dhalinyaro iyo xubno ka tirsan wariyeyaasha ka howlgala caasimadda.

 

Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ayuu Kheyre ku sheegay in ciidamada dowladda ay xireen wariye Rowdo Xasan Taakilo, Xamdi Cabdi Caddoow, Cabdixamid Cabdikariim Xuseen, Cabdixakiim Muxudiin Sheekh Cali, iyo Muscab Mire Indhayare, xilli ay kusii jeedeen guryahooda.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa afduubka uu taliska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xalay kula kacay dhalinyaradan iyo suxufiyiinta,” ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale wuxuu dowladda ku eedeeyay inay ku kacayso falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha, isagoo xusay xarigga saxafiyiinta, barakicinta shacabka iyo caburinta bulshada.

Kheyre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay u diyaar garoobaan sidii dalka looga badbaadin lahaa “talis ku kacaya gabood-fallo joogto ah.”

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan barakicinta shacabka ee qaar kamid ah degmooyinka iyo xaafadaha magaalada Muqdisho oo ay dowlada ka wado.May be an image of one or more people, newsroom, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here