Istanbul – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Istanbul kula kulmay Prof. Dr. Haluk Görgün, Guddoomiyaha Hay’adda Warshadaha Difaaca ee Turkiga, intii lagu guda jiray Bandhigga SAHA 2026.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray fursadaha iskaashi ee dhinacyada difaaca iyo amniga, horumarinta awoodaha ciidamada, iyo aragtiyo istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhexeysa Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, horumarinta farsamada ciidamada iyo taageerada la xiriirta amniga.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku xoojinayso xiriirrada caalamiga ah iyo tayeynta awoodda difaaca dalka.



