Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka oo Geneva Kulan kula Qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka UK

0

Geneva, Switzerland – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulan miro dhal ah kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska, Eleanor Sanders.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka, iyo sidii loo sii dardargelin lahaa guulaha ay Soomaaliya ka sameyneyso arrimaha xuquuqda aadanaha.

Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee Xuquuqul Insaanka Eleanor Sanders ayaa bogaadisay horumarrada ay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ka gaartay arrimaha xuquuqul insaanka. Waxay si gaar ah u xustay dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhawaan magaalada Geneva ku kala saxiixdeen Wasaaradda iyo Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay (OHCHR).

Dhankeeda, Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahadcelisay Dowladda Ingiriiska taageerrada joogtada ah ee ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale xustay muhiimadda wada shaqeynta dhow ee kala dhaxeysa Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.May be an image of studying, table and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here