Weerarro Dad Badan Lagu Dilay oo Ka Dhacay Bartamaha Mali

0

Mopti, Mali – Ugu yaraan ku dhawaad 50 qof ayaa lagu dilay weerarro argagixiso oo ka dhacay laba tuulo oo ku yaalla bartamaha dalka Mali, sida ay ilo-wareedyo kala duwan u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters. Wakaaladda AFP ayaa dhankeeda sheegtay in dhimashadu ay ka badan tahay 30 qof.

 

Weerarradan ayaa loo arkaa kuwii ugu khasaaraha badnaa tan iyo markii koox argagixiso oo xiriir la leh Al-Qaacida ay heshiis la gaartay kooxo gooni-u-goosad Tuareg ah dabayaaqadii bishii April. Tan iyo xilligaas waxaa dalkaasi ka socday dagaallo goosgoos ah iyo weerarro sii kordhaya.

Saddex ilo-wareed oo kala ah shaqaale gargaar, diblomaasi iyo ilo amni ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay weerareen laba deegaan oo ka tirsan gobolka Mopti. Mid kamid ah dadka deegaanka degmada Bankass ayaa xaqiijiyay in habeenimadii Arbacada ay kooxo hubeysan gudaha u galeen tuulooyinka, halkaasna ay rasaas ku fureen dadka deegaanka.

“Kooxo hubeysan oo aan la aqoonsan ayaa gudaha u galay iyagoo rasaas ku furay tuulada,” ayuu yiri qof deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in dadka la dilay ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidamada isdifaaca ee dowladda taageersan iyo dad rayid ah. Kooxaha deegaanka iyo ugaarsatada ayaa inta badan ilaaliya tuulooyinka gobolkaas si ay uga hortagaan weerarrada kooxaha hubeysan.

Dhanka kale, taliyaha ciidamada Mali, Jen. Djibrilla Maiga, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Bamako ku sheegay in kooxaha argagixisada ay isku dayayaan inay dib isu abaabulaan kadib weerarro dhacay 25-kii April oo lagu dilay wasiirkii gaashaandhigga Mali.

“Khatartu wali way jirtaa,” ayuu yiri Maiga, isagoo xusay in ciidamada Mali ay wadaan howlgallo lagu carqaladeynayo dhaqdhaqaaqyada kooxahaasi.

Maiga ayaa sidoo kale shaaciyay in kooxaha argagixisada ay bartilmaameedsadeen guriga hoggaamiyaha Mali Assimi Goita intii lagu jiray weerarradii bishii April. Sida uu sheegay, ciidamada ammaanka ayaa ka hortagay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo loo waday goobta.

Madaxweynaha Mali Assimi Goita ayaa 28-kii April kasoo muuqday telefishinka dowladda isagoo sheegay in xaaladda amni ee dalka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.

Ciidamada Mali ayaa sheegay inay dileen boqolaal xubnood oo ay ku tilmaameen “argagixiso” tan iyo weerarradii dhacay dhammaadka bishii April.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here