Shariif Sheekh Axmed oo Dowladda ku Eedeeyey Xarig ka Dhan ah Dhalinyarada Caasimadda

0

Muqdisho – Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay xarigga dhalinyaro la sheegay inay kasoo horjeedaan siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay lagu xiray magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in xarigga dhalinyaradaasi uu yahay “dulmi iyo daan-daansi”, isaga oo ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu amar ku bixiyay tallaabooyinka lagu bartilmaameedsanayo dhalinyarada haldoorka ah ee caasimadda.

“Waxaan bulshada Soomaaliyeed u caddeynayaa in tallaabooyinka isdaba-joogga ah ee uu qaadayo Xasan Sheekh Maxamuud ay abuurayaan kala fogaansho iyo kalsooni darro, xilli cadaadiska lagu hayo dhalinyarada iyo shacabka caasimadda uu sii kordhayo,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale, wuxuu digniin u diray ciidamada ammaanka ee ku howlan fulinta amarada dowladda, isaga oo ku baaqay in si deg-deg ah loo sii daayo dhalinyarada la xiray.

Hadalka kasoo yeeray Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo aadaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kuwaasi oo si weyn uga hadlayay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee magaalada Muqdisho.May be an image of one or more people, suit and hospital

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here