Muungaab oo Shir Amni ku Guddoomiyey Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda oo diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamullada degmooyinka, ka hortagga falalka amni-darrada iyo burcadda abaabulan ee dhibaateeya xasilloonida shacabka.

 

Kulanka ayaa sidoo kale loogu hadlay adkeynta iyo hogaansamidda amarkii kasoo baxay Duqa Magaalada Muqdisho ee ahaa in la hakiyay dhammaan hawlaha fulinta, baneynta iyo jid-u-furista dhulka ee ka socday Magaalada Muqdisho, iyadoona shirka lagu adkeeyay sii joogteynta qorshayaasha wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo difaaca shacabka ku nool caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, si loo ilaaliyo koboca iyo horumarka Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoosta ka xarriiqay in sugidda amniga iyo xasilloonida Muqdisho ay laf-dhabar u tahay horumarka caasimadda iyo guud ahaan dalka, isaga oo faray mas’uuliyiinta iyo hay’adaha amniga in la sii laba-laabo dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo badqabka bulshada.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Taliyaha qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir G/sare Mahdi Cumar Muumin, Taliyaha Nabadsugidda G/Banaadir Korneel Liibaan Cabdiraxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Booliisiya Milataariya Korneel Aadan Jeelle Faarax, guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha saldhigyada Booliska iyo Nabad-sugidda degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa imaanaya xilli mucaaradka dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheynayaan dibad-bax lagu wado inuu 10-ka bishan ka dhaco Muqdisho, kaas oo la sheegay in lagu soo bandhigayo cabashooyinka dadka laga barakiciyey magaalada Muqdisho iyo arrimo kale oo la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo amni ee caasimadda.May be an image of one or more people and newsroomMay be an image of one or more people, newsroom and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here