Doorashada Golaha Deegaanka oo ka Dhacday Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed

0

Baydhabo – Doorashada golaha deegaanka ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si nabad ah uga dhacday degmada Waajid, kaddib markii ay xirmeen xarumaha codbixinta ee degmadaasi.

 

Mas’uuliyiinta guddiga doorashooyinka degmada Waajid ayaa sheegay in codbixintu u dhacday si habsami leh, iyadoo hadda si rasmi ah u socoto tirinta codadka ay shacabka dhiibteen. Wakiilka guddiga doorashooyinka degmada ayaa tilmaamay in xaaladda amniga ay ahayd mid deggan intii ay socotay doorashadu, isla markaana guddigu dhawaan shaacin doono natiijada hordhaca ah.

Doorashadan ayaa qeyb ka ah hannaan doorasho oo isku sidkan, kaas oo lagu soo dooranayo xubnaha golaha deegaanka iyo Golaha Wakiillada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida ay sheegeen saraakiisha doorashada, ku dhowaad 30 kun oo qof ayaa iska diiwaangeliyay degmada Waajid si ay uga qeyb qaataan doorashooyinka, taasoo muujinaysa kororka ka qeybgalka shacabka iyo taageerada geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee deegaanka.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa horay u sheegay in uu ka go’an yahay hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah oo shacabka ay door muuqda ku leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here