Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo kulan la qaadatay Safiirka Midowga Yurub

0

Muqdisho — Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, iyadoo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa Guddiga iyo Midowga Yurub.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, kobcinta awoodda shaqo ee Guddiga, iyo taageerada isla xisaabtanka, dowlad-wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada shaqeynta lagu horumarinayo xuquuqda aadanaha iyo tayeynta hay’adaha dowladda Soomaaliya.No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here