Muqdisho — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, iyo Wasiirkii hore, Mudane Daauud Aweys Jaamac.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa Wasiirka cusub kula dardaarmay in uu la yimaado hufnaan iyo dadaal shaqo, isagoo Alle uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday. Sidoo kale, waxa uu ammaan u jeediyay Wasiirkii hore shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu hoggaaminayay Wasaaradda.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay kamid tahay hay’adaha muhiimka u ah shaqada Xukuumadda, isagoo uga mahadceliyay guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda kaalinta ay ka qaataan gudashada waajibaadka Qaranka.



