Kampala — Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay xilkiisa cusub Talaadadii, kadib xaflad caleema-saar oo si weyn loo agaasimay oo ka dhacday caasimadda Kampala, taasoo ay ka soo qeyb galeen madax goboleed, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala yimid qaaradda Afrika.
Museveni ayaa markan xaqiijistay muddo xileedkiisii toddobaad, kadib doorasho la qabtay 15-kii Janaayo, taas oo uu ku guuleystay isagoo helay 71% codadkii la dhiibtay. Musharraxa mucaaradka Bobi Wine (Robert Kyagulanyi) ayaa helay 24% codadka, taasoo muujisay tartan siyaasadeed oo aad u adag, inkastoo natiijada ay si weyn uga hadleen mucaarad iyo taageerayaal kala aragti duwan.
Isagoo la hadlayay martida iyo shacabka, Yoweri Museveni ayaa sheegay in dowladdiisu ay mudnaanta siin doonto, Xoojinta dhaqaalaha Uganda, Ballaarinta iskaashiga gobolka Bariga Afrika, Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo Dardar gelinta isbeddelka dhaqaalaha
Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in dowladdiisu ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida gudaha iyo iskaashiga gobolka, xilli Uganda ay door muhiim ah ku leedahay siyaasadda Bariga Afrika.
Kahor iyo inta ay socotay xafladda caleema-saarka, ciidamada amniga ayaa si weyn u buuxiyay magaalada Kampala. Waddooyin muhiim ah ayaa la xiray, waxaana la adkeeyay kontaroolada si loo maareeyo isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in tallaabooyinkan amni ay ahaayeen kuwo looga gol lahaa in lagu xaqiijiyo habsami u socodka xafladda iyo badqabka madaxda ka soo qeyb gashay.
Yoweri Museveni, oo hadda 81 jir ah, ayaa Uganda xukumayay ku dhowaad 40 sano, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu cimriga dheer Afrika ee weli xukunka haya.
Uganda ma laha xad adag oo ku saabsan muddada xilka madaxweynaha, iyadoo sidoo kale laga qaaday xaddidaaddii da’da madaxweynaha sanadkii 2017, taasoo u saamaxday Museveni inuu sii tartamo doorashooyin dheeraad ah.



