Muqdisho — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirka Wadatashiga iyo Ansixinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Soomaaliya, kaas oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa intii uu socday lagu falanqeeyay laguna ansixiyay qodobbada la xiriira Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha dhiggooda ah ee dowlad-goboleedyada dalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta iyo miro-dhalinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka, si loo helo qorshe mideysan oo wax looga qabanayo baahiyaha guriyeynta bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Mudane Saalax ayaa u mahadceliyay dhammaan ka qeybgalayaasha shirka, isaga oo si gaar ah u bogaadiyay Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS dadaalka iyo waqtiga ay gelisay diyaarinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Soomaaliya.



