Hiiraan — Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa laga sameeyay deegaanada Moora Ari, Deedo iyo Qarfo oo hoostaga magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Howlgalka ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo falal amni darro iyo dhibaatooyin ku hayeen shacabka ku nool deegaanadaas.
Ciidamada ayaa sheegay in ay fashiliyeen qorshayaal ay maleeshiyaadkaasi doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka rayidka ah, isla markaana ay khasaare xooggan gaarsiiyeen.
Taliyaha Ururka 8-aad, Guutada 18-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Dhamme Naqiib Cabdullaahi Xersi, ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu gaarsiiyay khasaare culus kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah.
Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa haatan wada dadaallo amni lagu xaqiijinayo guud ahaan gobolka Hiiraan.



