Beijing — Shiinaha ayaa lagu wadaa inuu martigeliyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Mareykan ah oo ku dhowaad sagaal sano ah, iyadoo ay si weyn diiradda u saaran yihiin arrimo culus oo caalami ah.
Booqashada ayaa la sheegay in ajandaha ugu weyn uu yahay colaadda Bariga Dhexe, arrinta Taiwan, ganacsiga, canshuuraha iyo tiknoolajiyadda sare. Trump ayaa la qorsheeyay inuu gaaro caasimadda Beijing Arbacada, ka hor inta uusan u gudbin hoteelkiisa.
Mas’uuliyiin sare oo Mareykan ah oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio iyo Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa la socda wafdiga, halka Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent uu si gaar ah ugu biiri doono wadahadallada Beijing.
Shiinaha ayaa sidoo kale cunaqabateyn hore ugu saaray Rubio sanadkii 2020, balse Beijing ayaa caddeysay in arrintaasi ay la xiriirtay waqtigiisii Senatarnimo.
Kulanka muhiimka ah ee Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa la filayaa inuu ka dhaco Hoolka Dadka ee Beijing Khamiista, halkaas oo labada hoggaamiye ay ka wada hadli doonaan “arrimo waaweyn” oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo nabadda caalamka.
Sidoo kale, Trump ayaa la filayaa inuu soo hadal qaado arrinta Taiwan iyo xaaladda maalqabeenka warbaahinta Hong Kong ee Jimmy Lai, halka Shiinaha uu diiradda saari doono arrimaha xiriirka laba geesoodka ah.
Wafdiga Trump waxaa sidoo kale la socda madax ka tirsan shirkadaha waaweyn ee caalamka sida Apple, Tesla, Boeing, Goldman Sachs iyo Mastercard, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya kulamo dhinaca dhaqaalaha ah.
Kulanka Beijing ayaa noqonaya booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Mareykan ah ku tago Shiinaha tan iyo 2017, waxaana la filayaa in ay ka soo baxaan wada-hadallo saameyn weyn ku yeelan kara xiriirka labada dal ee ugu dhaqaalaha badan adduunka.



