Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kulan Amni La Yeeshay Hoggaanka KMG ee Koonfur Galbeed

0

Baydhabo — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Kumeel Gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, kaas oo looga hadlay adkeynta iyo xaqiijinta amniga magaalada Baydhabo.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha nabadiidka ah, iyo sidii loo xoojin lahaa amniga guud ee magaalada Baydhabo iyo deegaannada hoos taga Koonfur Galbeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ciidanka XDS ay ka go’an tahay sii wadidda howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka nabadiidka ah, isagoo xusay in howlgallo joogto ah ay ka socdaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi buuxa oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed si loo xaqiijiyo amni waara oo ka hanaqaada gobolka.May be an image of one or more people and textNo photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here