Midowga Afrika, Xoghayaha Qaramada Midoobay iyo Madaxweynaha Faransiiska oo kawada hadlay cooladaha ka tagan afrika

0

Addis Ababa – Madaxweynaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, iyo Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa   kulan wadatashi ah ku yeeshay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.

 

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya Afrika iyo xaaladaha caalamiga ah, iyadoo hoggaamiyeyaashu ay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan nabadda, amniga, horumar waara, cimilada iyo nuglaanshaha dhaqaalaha dunida.

Saddexda dhinac ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo nidaamka dhinacyada badan leh si xal waara loogu helo caqabadaha ka jira caalamka. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in Afrika ay hesho matalaad buuxda oo cadaalad ah oo ay ku yeelato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyagoo tixraacay heshiisyada Ezulwini Consensus iyo Baaqa Syrte.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhaxeysa Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada ka hortagga colaadaha, dhexdhexaadinta iyo howlaha nabad ilaalinta ee qaaradda Afrika.

Hoggaamiyeyaasha ayaa si gaar ah u soo hadal qaaday muhiimadda hirgelinta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2719 (2023), kaas oo lagu taageerayo maalgelinta howlgalada nabad ilaalinta Afrika.

Sidoo kale waxay ku heshiiyeen in magaalada Paris lagu qabto shir caalami ah kahor dhammaadka sanadkan 2026, kaas oo lagu taageerayo Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika iyo maalgelinta mashaariicda horumarinta.

Dhanka kale, saddexda hoggaamiye ayaa walaac ka muujiyay saameynta colaadaha Bariga Dhexe ay ku yeesheen dalalka Afrika, gaar ahaan dhinacyada cunnada, tamarta iyo dhaqaalaha. Waxay ku baaqeen in la xoojiyo taageerada caalamiga ah si loo ilaaliyo sugnaanta cuntada iyo xasilloonida bulshada ee dalalka Afrika ee nugul.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Midowga Afrika, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxweynaha Faransiiska ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashi waara oo lagu wajahayo caqabadaha nabadda, amniga iyo horumarka ee Afrika iyo caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here