Shabeellaha Dhexe – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku badbaadiyeen dad rayid ah oo ay afduubteen kooxda Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ciidamada ayaa ku guuleystay inay si nabad ah usoo furtaan ilaa 9 qof oo shacabka ah oo ay kooxdaasi afduub u heysatay.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in intii uu socday howlgalka la dilay shan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku jiray horjoogihii kooxda ee deegaanka Gamboole.



