
Nigeria -Nigeria, oo ah dalka ugu badan ee soo saara saliidda Afrika, ayaa si rasmi ah u codsatay inay ku biirto Hay’adda Tamarta Caalamiga ah sida xubin buuxda.
Agaasimaha fulinta ee IEA, Fatih Birol, ayaa shaaciyay in dowladda Nigeria ay dirtay codsi rasmi ah oo ku saxiixnaa Wasiirka Tamarta ee dalkaasi, Ekperikpe Ekpo.
Fatih Birol ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay inuu ku faraxsan yahay codsiga Nigeria ee ku aaddan ku biirista “qoyska IEA”.
Dhanka kale, Hay’adda Tamarta Caalamiga ah oo ka kooban 32 waddan ayaa sheegtay in sahayda saliidda adduunka aysan dabooli doonin baahida guud ee sanadkan, iyadoo xiisadaha iyo dagaallada Bariga Dhexe, gaar ahaan kuwa la xiriira Iran, ay saameyn ku yeesheen wax soo saarka saliidda.
Nigeria ayaa hadda soo saarta in ka badan 1.4 milyan oo foosto oo saliid cayriin ah maalintii, taasoo ka dhigeysa dalka ugu weyn ee soo saara saliidda qaaradda Afrika.


