Nairobi – Madaxweyne William Ruto ayaa sharraxay sababta uu u xiran yahay xuduudka Kenya iyo Soomaaliya 15 sano kaddib markii la xiray, inkastoo uu horay uga ballanqaaday in dib loo furo bisha Abriil ee sannadkan.
Ruto oo wareysi siinayay Telefishinka France 24 oo uu ka qeyb galayay shir madaxeedka Horyaalada Afrika oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa sheegay in qorshaha dib u furista uu carqaladeeyay xasilooni darada kasoo cusboonaatay gudaha Soomaaliya.
Waxa uu xusay in markii hore horumar laga sameeyay dowladda federaalka Soomaaliya, balse uu cirka isku sii shareeray khilaafka u dhaxeeya Muqdisho iyo dowlad goboleedyada, taasi oo meesha ka saartay qaabkii loo wada shaqeyn lahaa.
“Si wanaagsan ayaan u soconay ilaa uu ka dhacay khilaaf weyn oo u dhexeeya dowladda Muqdisho iyo dowlad goboleedyada,” ayuu yiri Ruto, isagoo tilmaamaya inay sii kordhayaan iskahorimaadyada ay ku lug leeyihiin ciidamada Qaranka Soomaaliya (SNA) iyo kuwa maamul goboleedyada.
Wuxuu si gaar ah u soo qaatay iska horimaadyo ay ku lug lahaayeen ciidamada ammaanka Jubbaland oo ku sugnaa meel ku dhow xadka ay wadaagaan labada dal, isagoo sheegay in dagaalka uu adkeeyay ammaanka Kenya.
“Runtii, xilligaas, qaar ka mid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo riixay gudaha Kenya, taasina waxay sii cakirtay xaaladda, waxaan ku qasbanaay inaan taageerno xubno ka tirsan XDS annagoo caawinayna si aan dagaalka u dejinno,” ayuu raaciyay.
Ruto oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xasilooni darida ay sababtay in dib loo furo xuduudka, isagoo ka digay in isbeddalka siyaasadeed ee Soomaaliya uu hadda uga sii daray hubanti la’aanta.
“Xilliga baarlamaanka ee halkaas ka jira wuu dhammaaday, madaxweynahana wuu sii dhammaanayaa, cidna ma garanayso meesha ay xaaladdu marayso, markaa xuduudda hadda ma furna,” ayuu yidhi.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in Kenya ay ka qeyb qaadaneyso saaxiibada gobolka oo ay ku jiraan Itoobiya iyo Jabuuti dadaallada lagu taageerayo nabadda iyo xasilinta Soomaaliya, balse laga gaaray guulo kooban.
Hadalkiisa ayaa imaanaya bilooyin ka dib markii uu ku dhawaaqay bishii Febraayo in xadka dib loo furi doono bisha Abriil, tallaabadaas oo la filayay inay sare u qaaddo ganacsiga iyo isu socodka labada dal iyadoo la ilaalinayo ammaanka.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda xuduudka Mandheera ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo dadka deegaanka ay marar badan ka soo warrameen falal ammaan darro oo la xiriira kooxaha hubeysan ee ka soo gudba xuduudka iyo ciidamada Jubbaland oo la sheegay inay ka howlgalaan deegaanno ku dhow dhulka Kenya.
Bishii Sebtembar ee sannadkii hore iyo mar kale usbuucan, dadka ku nool Mandheera ayaa dhigay mudaaharaad ay ku eedeeyeen ciidamada ajnabiga ah inay dhibaateeyaan, waxayna ka digayaan in joogitaankoodu uu carqaladeynayo iskuullada, ganacsiga, iyo amniga maxalliga ah.
Walaacaas waxaa sii raacaya weerarro khasaaro badan dhaliyay oo dhawaan ka dhacay Mandera, halkaas oo dabley hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaari ay wateen dad shacab ah, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac, islamarkaana sii kordhisay cabsida laga qabo amniga.
Xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa markii hore la xiray bishii Oktoobar ee sannadkii 2011 ka dib weerarro isdaba joog ah oo Al-Shabaab ay geysatay, inkastoo dhowr jeer la isku dayay in dib loo furo, haddana walaaca amni ayaa marar badan dib u dhigay soo celinta dhaqdhaqaaqa xuduudaha.



