MUQDISHO – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo diiradda lagu saaray hirgelinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dowladda ku tilmaantay tiir muhiim u ah dhismaha hay’adaha dowladda, xasilloonida siyaasadda iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa Golaha u soo bandhigtay qorshaha hirgelinta dastuurka, muddada lagu fulinayo iyo habraacyada farsamo ee loo marayo. Qorshahan ayaa lagu sheegay in dhammaan qodobbada dastuurka la dhaqan-gelin doono muddada u dhexeysa sannadaha 2026 illaa 2029.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in dastuurku dhaqan galay laga bilaabo maalintii uu Madaxweynaha saxiixay iyo markii lagu daabacay faafinta rasmiga ah, balse hirgelinta farsamo ahaan ay u baahan tahay waqti iyo qorshe cad, gaar ahaan arrimaha maamulka iyo hay’adaha dowladda.
Warbixinta Wasaaradda Caddaaladda ayaa sidoo kale lagu xusay in Golaha Wasiirrada loo soo gudbin doono qaraarro mudnaan siinaya shaqooyinka ugu horreeya ee dastuurka la xiriira 12-ka bilood ee soo socda. Shaqooyinkaas waxaa ka mid ah dhismaha guddiyo iyo hay’ado muhiim u ah dowlad-dhiska, sida Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Dakhliga Qaranka.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa dhageystay warbixinno ku saabsan doorashooyinkii qof iyo cod ee ka dhacay degmooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaalinta Warbaahinta Qaranka iyo wada-hadallada siyaasadeed ee la xiriira arrimaha doorashooyinka oo uu Madaxweynaha Soomaaliya hormuud ka yahay.
Goluhu waxa uu sidoo kale ansixiyay dalacsiinta Mudane Maxamed Rabiic Yuusuf, oo ahaa La-taliyaha Koowaad iyo Ku-xigeenka Madaxa Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay magaalada New York, loona dallacsiiyay darajada Danjire.
Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay heshiisyo, siyaasado iyo xeerar muhiim u ah horumarka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
Siyaasadda Qaran ee Horumarinta Isboortiga Soomaaliya.
Xeer-nidaamiyaha Dib-u-Howlgelinta iyo Mideynta Hannaanka Ceymiska Bulshada Qaranka.
Heshiis u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga oo ku saabsan dhiirrigelinta iyo ilaalinta maalgashiyada labada dal.
Cusboonaysiinta heshiiska waxbarashada ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.




