Muqdisho — Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ), Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Rayidka, Cumar Xaashi, si ay uga wada hadlaan iskaashiga dhinacyada ilaalinta rayidka iyo la socodka xaaladda xuquuqul insaanka dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Siyaasadda Qaranka ee Ilaalinta Rayidka oo dhowaan ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada, iyo kaalinta uu Guddigu ku leeyahay xoojinta kormeerka, la socodka xaaladaha xuquuqul insaanka, isla-xisaabtanka, iyo dhowrista xuquuqda rayidka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda si loo xaqiijiyo ilaalinta shacabka, loona waafajiyo howlaha la xiriira xuquuqul insaanka dastuurka dalka iyo waajibaadka sharciyeed ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed.



