BAKU – Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya ayaa ka qeyb galaysa Madasha Caalamiga ah ee Magaalooyinka Adduunka ee 13-aad, oo ka socota magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan.
Madashan caalamiga ah oo ay soo qabanqaabisay Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Deegaameynta Aadanaha (UN-Habitat) ayaa waxaa ka qeyb galaya dowlado, hay’ado caalami ah, bangiyo horumarineed iyo bah-wadaagyo kala duwan oo ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka, guriyeynta iyo adeegyada bulshada.
Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Mudane Ayub Ismail Yusuf, ayaa Soomaaliya uga qeyb galay kulanka, iyadoo sidoo kale ay joogeen wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo saaxiibbada horumarinta.
Wasiirka ayaa khudbad uu ka jeediyay madasha ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe lagu dhisayo nidaam mideysan oo isku xiraya guriyeynta, maamulka dhulka, la-qabsiga isbeddelka cimilada iyo horumarinta dhaqaalaha deegaanka, si loo xoojiyo xasilloonida iyo horumarka waara.
Mudane Ayub Ismail Yusuf ayaa sidoo kale xusay in Wasaaraddu diyaarisay daraasado iyo qorshayaal cusub oo lagu horumarinayo nidaamka guriyeynta iyo maamulka dhulka dalka, kuwaas oo saldhig u noqonaya dib-u-dhiska magaalooyinka iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Dhanka kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay waddo mashaariic istiraatiiji ah oo laga fulinayo magaalooyin ay ka mid yihiin Beledweyne, Doolow iyo deegaanka Jasiira ee Muqdisho, kuwaas oo diiradda saaraya guriyeynta la awoodi karo, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhismaha magaalooyin adkeysi u leh caqabadaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada.




