Soomaaliya iyo Suudaan Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga

0

BAKU, AZERBAIJAN — Mas’uuliyiin ka kala socotay dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Baku, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

 

Kulanka ayaa dhacay intii uu socday Shirkii 13-aad ee Madasha Magaalooyinka Adduunka, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Suudaan.

Labada dhinac ayaa diiradda saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, iyadoo sidoo kale laga hadlay horumarinta magaalooyinka iyo guryaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa sheegay in dalkiisu uu ka go’an yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya, si loo taageero horumarka iyo xasilloonida labada dal.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in labada dhinac ay iska kaashadaan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, isla markaana la xoojiyo wada tashiga iyo isku xirnaanta diblomaasiyadeed.

Dhankiisa, Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya ugu faraxsan tahay xiriirka walaaltinimo ee kala dhexeeya Suudaan, isagoo xusay in Soomaaliya ay daneyneyso ballaarinta iskaashiga dhaqaale iyo ka faa’iideysiga khibradaha ay wadaagaan labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here