Muqdisho Oo Lagu Daahfuray Tababar Lagu Xoojinayo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

0

MUQDISHO — Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa magaalada Muqdisho ku daahfuray barnaamij tababar oo soconaya muddo 10 maalmood ah, kaas oo loogu talagalay tababarayaasha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

 

Barnaamijkan oo lagu qabtay Akadeemiyada Tababarka Booliska General Kaahiye ayaa waxaa maalgelinaysa dowladda Japan, halka ay fulinayaan Booliska AUSSOM.

Ujeeddada tababarkan ayaa ah in kor loogu qaado xirfadaha tababarka, diyaargarowga hawlgallada, iyo tayada shaqo ee tababarayaasha iyo saraakiisha booliiska Soomaaliyeed, si loo xoojiyo amniga iyo dadaallada xasilinta dalka.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in hindisahan uu door weyn ka qaadan doono horumarinta heerarka tababarka booliiska, tayeynta adeegyada amniga, iyo badqabka bulshada guud ahaan Soomaaliya. Sidoo kale waxaa la qorsheynayaa in barnaamijkan lagu fidiyo dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka.

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay Ku-simaha Madaxa AUSSOM ahna Ku-xigeenka howlgalka, Mouktar Osman Karie, Taliyaha Booliska AUSSOM Hillary Sao Kanu, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, iyo wakiillo ka socday dowladda Japan iyo AUSSOM.

Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo ciidan booliis oo xirfad leh, awoodna u leh sugidda amniga iyo adeegga bulshada Soomaaliyeed.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here