Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga Buurhakaba

0

Bay, Soomaaliya — Kumaandooska Danab Xooga Dalka Soomaaliya gaar ahaan Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay.

 

Howlgalladan oo qeyb ka ahaa dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah ayaa ciidamada ka sameeyeen fariisimo iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa adkeynta amniga, ilaalinta shacabka iyo ka hortagga falalka amni-darro ee kooxaha cadowga ah ka wadeen deegaannadaasi.

Sidoo kale, ciidamada Kumaandooska Danab Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli wada dhaq-dhaqaaqyo amni xaqiijin ah oo ka socda aagga howlgalka si loo sii xoojiyo nabadgelyada deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here