Qaahira, Masar — Jaamacadda Dalalka Carabta ayaa si adag uga digtay khatar ka dhalan karta faragelin milatari oo ay sameyso Isra’iil oo ku wajahan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.
Axmed Abuu Al-Ghayt ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in weerarro iyo faragelin kasta oo milatari oo ka dhan ah dal madax-bannaan Soomaaliya ay halis ku yihiin amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ay carqaladeyn karaan nabadda Geeska Afrika iyo guud ahaan dunida Carabta.
War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in falalka noocan ah ay wiiqi karaan madax-bannaanida dalalka iyo isku dheelitirka amni ee gobolka, isla markaana ay keeni karaan xiisado siyaasadeed iyo fowdo kusii fida gobolka intiisa kale.
Axmed Abuu Al-Ghayt ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka madax-bannaanida dalalka, ilaalinta midnimadooda, iyo u hoggaansanaanta shuruucda caalamiga ah.
Ugu dambeyn, Jaamacadda Dalalka Carabta ayaa mar kale xaqiijisay taageerada ay u hayso midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, iyada oo ku baaqday in la ilaaliyo sharciga iyo heshiisyada caalamiga ah.




